366 Views

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadalay heshiisyada ay dowalada la gasho dowladaha kale

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadalay heshiisyada ay dowalada la gasho dowladaha kale
____________________________________________________________________________

Talaado: June 21, 2022

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in guddoonka golaha shacabku uu qorsheynayo sidii lacago gunno ah loogu heli lahaa xildhibaanadda si xal loogu helo baaqashada kulamada golaha ee inta badan ka dhasha kooram la’aanta.

Sheekh Aadan Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in gunnooyinkaasi iyo xuquuqaha kale ee xildhibaannadu ay fududeynayaan in sharci ahaan xildhibaannadu lagula xisaabtamo waajibaadkooda shaqo ee sida fadhiyada baarlamaanka.

Dhanka kale, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyada ay dowladda la gasho dowladaha kale ee aan baarlamaanka la soo marsiinin, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post