1983 Views

Puntland oo Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya u diiday Garowe

Puntland oo Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya u diiday Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 06, 2019 —Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya in loo diiday in ay tagaan Magaalada Garowe ka dib markii maamulka Puntland uu aqbali waayay Codsigooda ah in ay ka qeyb galaan doorashadda.

Waxaa ka mid ah dadka loo diiday in ay taggaan Magaalada Garowe Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dadaallo ay sameeyeen qaar ka mid ah Isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday, sida ilo wareedyo ay xaqiijinayaan.

Laba cisho kaliya ayaa ka dhiman waqtiga loo balamay inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana Magaalada Garowe ka socda loolan adag oo Musharaxiinta ay ku kala jiidanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment