759 Views

Dowlada Soomaliya oo xirtay qeeyb ka mid ah Garoonka Aadan Cadde.

Dowlada Soomaliya oo xirtay qeeyb ka mid ah Garoonka Aadan Cadde.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ku xigeenka Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa lagu sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Qoraalka Maareeye kuxigeen ayaa sidoo kale lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya garoonka diyaaradaha Muqdisho, inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Warqadda soo baxday laguma sheegin sababtya ka dambeysa hasayeeshee waxaa la caddeeyay in amarka lagu xiray uu kasoo baxay wasaaradda arriamaha debedda ee soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post