471 Views

Ciidamada Ruushka oo sii wada gantaallada ay ku garaacayaan magaalooyinka Ukraine.

Ciidamada Ruushka oo  sii wada gantaallada  ay ku garaacayaan magaalooyinka Ukraine.
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: July 20, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa sii wada gantaallada a ay ku garaacayaan magaalooyinka Ukraine.

Saraakiisha ku sugan gudaha ayaa kusoo warramayaa in la beegsaday goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

Labo qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay magaalada Nikopol ee dhacda waqooyiga gobolka Crimea ee uu Ruushka ka qabsaday.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in gantaal lagu garaacay gobolka Odesa uu geystay khasaare nafeed halkaas.

Maamulka caasimadda Kyiv ayaa sheegay in Ruushka uu shacabka Ukraine si qasab ah uga musaafurinayo halkaas isla markaana uu u daabulayo goobo aan la ogeyn oo ka tirsan dhulka Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post