1989 Views

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 26, 2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Taallada Dhagaxtuur waxay ku astaysan tahay maamuuska iyo weyneynta halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurkii loo sameeyay sidii Soomaaliya xorimadeeda ugala soo noqon lahayd guumaystaha.

Munaasabadda ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Taliyaha Ciidanka Booliska Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac Kaynaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment