1083 Views

Galmudug oo sheegtay in Odayaal la kulmay Shabaab ku sugan yihiin Dhuusamareeb

Galmudug oo sheegtay in Odayaal la kulmay Shabaab ku sugan yihiin Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2019 –  Kadib kulan aan caadi aheyn oo xalay ay Magalada Dhuusamareeb ku yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir guddoominayay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa looga hadlay Arrimo la xiriira Amniga & Shir dib u heshiisiinta Galmudug.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Galmudug Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar oo faah faahin ka bixinayay qodobada kazoo baxay shirkaas ayaa sheegay inay qabaan walaac ku saabsan qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

 

 

 

Waxa uu sheegay Wasiir Duraan in qeyb ka mid ah Ergooyinka shirka dib u heshiisinta Galmudug ay tageen deegaano ay maamulkaan Al-Shabaab,isla markaana ay la dhex imaan doonaan dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug,isla markaana laga cabsi qabo in Xubno la Shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Galmudug.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in siweyn looga hadlay amniga Magalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay dib u dhac ka jiray,waxaana la faray dhamaan Golaha Wasiirada Galmudug ay Shaqadooda si caadi ah u wataan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment