1491 Views

Taabit Cabdi” Waa nasiib darro waxa ku dhacay ardayda Soomaaliyeed”

Taabit Cabdi” Waa nasiib darro waxa ku dhacay ardayda Soomaaliyeed”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2019–Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Muqdisho ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed  ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda.

 

Taabit Cabdi waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka,waxaana uu u rajeeyey Wasaaradda Waxbarashada,Ardayda iyo Waalidiinta ay isku ragti ka noqdaan Imtixaanka,isla markaana muranka jira laga gudbo.

 

 

 

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay waajib saaran qof walba oo Soomaali ah in uu dhageysto cabashada Ardayda Soomaaliyeed loona baahan yahay in loo dabacsanaado, si wadajir iyo wadashaqeyn looga gudbo wixii dhacay.

 

Go’aankii habeen ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku joojiyey imtixaankii fasalka 12aad ee shahaadiga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay dhigeen Ardayda Soomalaiyeed badankood iyo go’aano ay qaateen Maamulada qaar ee dalka ka jira

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment