858 Views

Recep Tayyip Erdogan”Tijaabooyinka waa la qaaday waana la sii wadaa”

Recep Tayyip Erdogan”Tijaabooyinka waa la qaaday waana la sii wadaa”
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 24|  2020
—Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga ayaa umuuqata mid sii kordheysa, ka dib erayo kulul oo ay isweydaarsadeen labada dal ee xulufada ah, hadalladaasi oo ku aadan iibsiga Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sanceeyo.

Hadalladii ugu adkaa ayaa Jmicihii soo yeeray ka dib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu xaqiijiyay warar hore oo sheegayay in Turkigu uu bilaabay in uu tijaabiyo nidaamka difaaca cirka ee Ruushka, isaga oo dhinac iska dhigaya walaaca Mareykanka.

“(Tijaabooyinka) waa la qaaday, waana la sii wadaa,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta. “Mawqifka Mareykanka gabi ahaan nama khuseeyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Haddii aynaan tijaabin doonin awoodahan aan haysanno, markaa maxaan sameyneynaa?” ayuu yiri.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa saacado ka dib hadalka Erdogan waxa ay bixisay jawaab erayo adag lagu qoray, iyadoo ku dhowaatay in ay ku eedeyso Turkiga inuu khiyaamayo xulafada.

“Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka waxay ku cambaareyneysaa ereyada ugu adag ee suurtogalka ah tijaabada uu Turkigu sameeyey 16-kii October,” ayuu yiri Afhayeenka Pentagon-ka, Jonathan Rath Hoffman, isagoo ka digaya in tijaabada “ay khatar gelineyso cawaaqib xumada xiriirkeena amni.”


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post