1419 Views

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo ilaaladiisii laga qaaday

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo ilaaladiisii laga qaaday
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Amar kasoo baxay madaxda Sare ee Soomaliland ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah ilaaladisii looga qaaday guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 

Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Waddani Cabdilaahi Geel Jire oo warbaahinta lahadlay ayaa xaqiijiyey in ilaaladiisii laga qaaday guddoomiyahooda,isla markaana ay ka dambeeyeen madaxda sare ee Soomaaliland.

 

 

 

Sidoo kale waxaauu sheegay in wadahadallo dhacay lagu baajiyey banaanbaxyo ay taageerayaasha Xisbiga ka dhigi lahaayeen Hargeysa,hayeeshee Gobolada kale ee Soomaaliland ay ka socdaan.

 

Ugu dambeyn Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Waddani waxaa uu cambaareeyey Xariga Xubno kamid ah Xisbigooda ay u geysteen Ciidamo katirsan Soomaaliland.

 

Tallaabadaan ilaaladii looga kaxeystay Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeye Xisbiga WADANI iyo Madaxda Sare ee Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment