849 Views

Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta Sare ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Caabi Xasan ayaa ka qeyb galay kulan looga doodayay ka qeyb galka haweenka ee waxbarashadda sare ee dalka.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii haweenka Soomaliyeed ay kaalin muuqata ugu qaadan soo kabashada iyo dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhanka waxabarashada oo ka mid ah meelaha uu sida aadka ah u saameeyey bur-burkii ku dhacay dalka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashadda iyo Bankiga Aduunka, waxaana ka soo qeyb galay haween isugu jiray aqoonyahano, xirfadleyaal iyo hal abuurayaal, waxaana la isku weydaarsaday talooyin ku aadan sidii dumarka Soomaaliyeed loogu dhisi lahaa goobo waxbarasho oo dumarka u gaar ah, si ay u yaraato waxbarasho la’aanta haweenka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post