3375 Views

“Qaabka sugida Amniga Muqdisho wax badan ayaa ka qaldan”

“Qaabka sugida Amniga Muqdisho wax badan ayaa ka qaldan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 1, 2016: Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, Xuseen Carab Ciiseayaa sheegay in qal-qal xoogan uu ku yimid amniga magaalada Muqdisho, isagoo cadeeyay in qaabka sugida amniga ee hey’adaha amnigaaywax weyn ka qaldanyihiin.

Mudane Carab Ciise ayaa sheegay in Hey’adaha ammaanka looga baahan yahay inay si deg deg ah u xaliyaan arrimaha amni darada ee soo kordhay, isagoo xusay in jireen digniino la sii hayay oo ku aadan in meelo la weerari rabo.

“Waxaa moodaa in qal qal weyn xaga amniga uu ka jiro magaalada Muqdisho, meelo badan ayaa horay loo weeraray, digniino baa la sii heystay inay weeraro jiraan, waxaa moodaa in qaabka sugida amniga uu wax weyn ka qaldan yahay.

Xuseen Carab Ciise aya sheegay in is bedel lagu sameeyo qaabka amniga loo sugo, isagoo xusay in waddooyinka kale ee ka hooseeya wadada Maka Al-Mukarama ay furan yihiin, isla markaana wadada maka al-mukarama ay noqoto kuwo qaraxyada ku soo kordhaan.

Waxaa uu sheegay in dal daloolo iyo tuhuno uu ka jiro qaraxyada Muqdisho, waxaa uu xusay in hey’adaha amniga ay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga Caasimada.

“Dal-daloolo iyo tuhun badan oo la xiriira qaraxyada baa jira, xaalad dagaal ayaa lagu jiraa, hey’adaha amniga waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay amniga shacabka”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment