1329 Views

Guddiyada Arrimaha Dastuurka oo Maanta Shir uga furmayo Garoowe

Guddiyada Arrimaha Dastuurka oo Maanta Shir uga furmayo Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in uu shir uga furmo Guddiyada Dastuurka oo kala ah Guddiga madaxa bannaan Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed.

 

Madasha oo ah kulankii Afaraad ayaa wwaxaa ay isla meel dhigayaan cutubyada 10aad ilaa 15aad oo ay dhowaan dib u eegis ku sameeyeen Guddiyada heer Federaal,waxaana kulankaas uu socon doonaa mudo saddex Cisho ah, iyada oo Xubnaha ay wehlin doonaan Xubno ka socda Guddoonada Baarlamaanada Dawlad goboleedyada.

 

Xubnaha Guddiyada dib u eegista Dastuurka oo ay wehlinayaan guddiyada heer Federal iyo kuwa dastuurka ee dawlad goboleedyada ayaa waxaa ay xalay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo kula dar-daarmay inay dar-dargaliyaan howsha loo igmaday.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment