849 Views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, isagoo uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan heerka ay mareyso abaarta dalka ka jirta iyo sida qurbajoogta Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karto gurmadka dadka abaartu saameysay, doorashooyinka iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Geneva uga qeyb galaya shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa jaaliyadda uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, habsami u socodka doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya iyo xaaladda amni ee dalka, isagoo ka codsaday in dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku nool ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta dalka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaalida  ee Switzerland ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hormuudka ah ee doorashada, gurmadka abaaraha iyo waajibaadka kale ee xukuumaddiisa loo igmaday.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Jaaliyadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Abyan Maxamed Saalax, diblomaasiyiinta safaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay safarkiisa Switzerland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post