429 Views

Hanjabaadda argagaxa leh ee uu Putin u diray Sweden, Finland iyo NATO

Hanjabaadda argagaxa leh ee uu Putin u diray Sweden, Finland iyo NATO
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo,  xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO aysan wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine. Waxa uu sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geeedii socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Inta la ogaaday waa safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago meel ka baxsan Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka. Shir madaxeedka Madrid, madaxa NATO, Jens Stoltenberg, ayaa ballanqaaday taageerada Ukraine ilaa iyo inta ay ku qaadato.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda milatari ee tobanaanka sano ay wadeen. Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u  urur argagixiso ah.

Laakiin madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa markii dambe ogolaaday codsigooda, taas beddelkeedana loo helo dammaanad qaaday amni.

Go’aankan ayaa daba socday kulan ay ka qeyb galeen Mr Erdogan, xoghayaha guud ee NATO iyo madaxda Finland iyo Sweden.

Xafiiska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka heleen wixii ay ka doonayeen Sweden iyo Finland

Labada dal oo Yurubta waqooyi ah ayaa shaaciyay rabitaankooda ku aaddan in ay Nato ku biiraan bishii May, iyagoo uga jawaabaya duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Mr Stoltenberg ayaa soo jeediyay in howsha la dadajiyo, iyagoo durba shaaciyay saaxiibka ay ku leeyihiin Gaashaanbuurta Nato.

Joe Biden ayaa sidoo kale Talaadadii taleefoon kula hadlay Mr Erdogan. Sarkaal sare oo Mareykan ah oo la yirahdo Celeste Wallander ayaa sheegay in madaxweynaha uusan wax heshiis ah la gaarin Turkiga, balse wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu taageerayo casriyeynta diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, ayna sii wadayaan wadahadallada ku saabsan codsiga Ankara ee F-16. Moscow waxay balaarinta Gaashaanbuurta NATO sheegtay in ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin iyo ‘xasillooni darro daba-dheereeta.’.

Ruushka ayaa si adag uga soo horjeeda in labadaas dal ay ku biiraan Nato, waxa ayna Moscow u aragtaa in barraalinta Nato ay halis ku tahay amnigooda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post