906 Views

Ilaalada Madaxtooyada oo ku amray dadka dagan nawaaxiga madaxtooyada ee H/wadag iyo wart Nabada inay ka guuraan

Ilaalada Madaxtooyada oo ku amray dadka dagan nawaaxiga madaxtooyada ee H/wadag iyo wart Nabada inay ka guuraan
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Wararka ka imaanaya xaafadaha u dhaw Madaxtooyada gaar ahaan cagadhiig, baarjido, agagaarka Degmada wardhiigley, xaafada shanta geed ilaa Ceeley cagadhiig ayaa dadkii daganaa waxaa Ciidamada jooga kontaroolka laga galo Madaxtooyada dhinaca cagadhiig ku amreen in ay ka guuraan halkaas.

Ciidamadan ayaa dadka degaanka ku wargaliyay in ay ka guuraan halkaas, maadaama ay jirto Cabsi dagaal oo ku wajahan madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale xaafadahaas ayaa saacidii la soo dhaafay laga qaxayay, waxayna tani u muuqataa in caawa aan la is huri doonin hadaan alle Nasteexo soo dajin.

Ilaalada Villa Somaliya ayaa cabsi ka qaba in caawa loo daato Madaxtooyada, Maadaama Ciidamo xoogan ay soo gaareen agaarka Isgoysada KPP bakaraha ilaa afaafka hore ee isgoyska Sayidka oo uu Fariisimo cusub ka Samaystay Taliyihii Hore ee Danab.

Xaalaka muqdisho ayaa maanta ah allow afurka mala gaari doonaa, waxaana Ciidamada Madaxtooyada ay bilaabeen saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay isku dayayaan in ay ku Go’doomiyaah Madaxtooyada oo kaabiga lagu hayo


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post