1158 Views

Dowladda oo cadeysay sababta ay u fasaxday duulimaadyada Kismaayo

Dowladda oo cadeysay sababta ay u fasaxday duulimaadyada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iany  fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha wasiirka Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqday go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya.

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment