1443 Views

Ahmiyadda Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya ( Qabanqaabada Munaasabadda)

Ahmiyadda Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya ( Qabanqaabada Munaasabadda)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Waxaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka waxaa ka socda qabanqaabada  xuska Todobaadka xoriyaadda Soomaaliya, todobaadkan wuxuu kulmiyaa maalmaha qarannimada dalka ee kala ah:-

1-26ka Juun oo ah Xornimadii gobollada waqooyi ee dalka,iyo markii ugu horaysay ee calan oo soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyed.

2- 1da Luulyo. Waxay kulansatay waa maalintii xornimada gobollada koofureed iyo midowgii ama israacii gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed.

3- 27ka juun waa maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, isagoo tixgalinaya muhiimadda Qaranka Soomaaliyeed ugu fadhido xuska Todobaadka Xoriyadda ayuu wuxuu magacaabay guddi ka shaqeeya qabanqaabada munaasabadda xuska maalmahaasi ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed.

Md Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu guddigaan u igmaday in ay ka shaqeeyaan qabanqaabada sanadguurada 59-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda, midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna  ka kooban yahay 7 xubnood oo kala ah:-

 1: Guddoomiyaha Guddiga:-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta.

2: C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin.

Shaqada ay qaban doonaan

1: in ay qabanqaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

2: in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qabanqaabada maalmaha xorriyyadda.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa guddoomiyay kulan dhawaan muqdisho ay ku yeesheen Guddiga qaban qaabada Todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya’ Khadiija Maxamed  Diiriye iyo Mas’uuliyiin kale,iyadoo inta uu socday kulanka looga hadlay diyaar garoowga Todobaadka xorriyadda oo Maalmo yar ay ka harsan yihiin.

Guddigan oo uu 9-kii Bishan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,  waxay ka shaqeeyaan qabn qaabada iyo  isku dubaridka munaasabadaha loogu debaaldagayo Maalmaha qarannimada dalka.

26-ka June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee Dalkeenna iyo 1-da July ee isla Sanadkaas oo ah markii ay xorrimada qaateen Gobollada Koofureed ee Dalkeenna iyo midoowgii Labada Gobol ayaa ah Maalmo si weyn looga xuso guud ahaan dalka Soomaaliya iyo qaybo badan oo ka mid dalalka Caalamka oo ay ku nool yihiin Shucuubta Soomaaliyed.

Dhan kale waxaa Qaybo badan oo dalka ka mid ah ka socda diyaargarowga soo dhawaynta todobaadkan qiimaha badan, waxaana haboon in Shacbiga ay si is xiqaan ah  u hagaajiyaan muuqaalka dhismayaasha iyo guryaha ku yaalla wadooyinka hareerahooda lagana lulo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo maamuuso todobaadkaasi nagu wayn,

Xuska Waynaynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuuraysaa dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

W/D:- Abukar Gobdoon.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment