1470 Views

Nin U Dhashay Malaysia Oo Aflagaadeeyey Islaamka Oo La Xukumay

Nin U Dhashay Malaysia Oo Aflagaadeeyey Islaamka Oo La Xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 11, 2019 –  Warbaahinta gudaha ee dalkaasi waxay sheegeen in maanta xukun lagu riday Nin kale oo Diinta Islaamka iyo Nebigeenna Suuban ee Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaam ku aflagaadeeyey Baraha Bulshadda.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Maxamed Yazid Kong C/llaahi oo 52-jir ah waxaa la xiray isbuucii hore, isagoo ku eedeysnaa 11-fal-dembiyeed.

Maxkamaddu waxay Eedeysanaha maanta oo Isniin ah ku xukuntay xabsi 7 bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 2,455 Dollar.

Maxkmaddu waxay ku gacan-sayrtay rafcaan uu soo qortay Eedeysanaha oo xukunkiisa ah kii ugu dambeeyey ee la xukumo.

Eedeysanaha ay Maxkamaddu xukumay waxaa kan surwaalka Jeebniska Buluga xiran ee idinkaga muuqda shaashadda.

Tirada Muwaadiniinta Malaysia ee lagu helo Xadgudubka Xeerka Ciqaabta ee Sharciga Isgaasiinnta iyo Warbaahinta kale, kaasi oo la saxiixay sannadkii 1998-dii.

Boliska Malaysia waxay sheegeen inay heleen 929 Kiisas xad-gudubka, tan iyo markii la dhaqan geliyey Sharcigaasi.

Maamulayaasha dalkaasi waxay walaac xooggan ka qabaan in Hdaalladda Karaahida ah horseedi karto Dembiyadda Is-nacaybka, iyadoo ay Xiisad xooggan ka dhex jirto Muslimiinta iyo dadka aan Muslimka ahayn ee ku wada nool dalkaasi.

Bishan March 1-dii, Ururo aan dowli ahayn ayaa waxay dalka Malaysia ka dhigeen Dibadbax ay kaga soo horjeedeen Sawir-gacmeed ama Kartoon oo uu Nin u dhashay Shiinaha oo Baraha Bulshadda soo dhigay sawiro uu ku aflagaadeeyey Nebigeenna Muxamad Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ninka Shiineeska oo lagu magacaabo Way Foo Sing oo 68-jir ah ayaa la sheegay inuu ilaa iyo haatan ku xiran yahay dalkiisa hooyo ee Shiinaha.

 

 

 

.

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment