2004 Views

Maxaad ka taqaannaa diyaaradda Turkiga ee Ukraine ay u adeegsanayso dagaalka Ruushka?

Maxaad ka taqaannaa diyaaradda Turkiga ee Ukraine ay u adeegsanayso dagaalka Ruushka?
____________________________________________________________________________

 
khamiis: October 28, 2021

Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Ukraine ay u adeegsatay diyaarado lagu sameeyay Turkiga oo ah kuwa hubeysan ee aan duuliyaha lahayn (SIHA).

Militariga Ukraine ayaa diyaaradahan u adeegsaday dagaalka kala dhaxeeya ruushka ee ka aloosan bariga waddankaas.

Afhayeen u hadlay xarunta madaxtooyada Moscow ee Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in arrintan soo korodhay ay xasilooni darro u horseedi karto bariga Ukraine.

“Runtii xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Turkiga, balse walaaceenna ku aaddan hubkan noocan ah ee uu siinayo militariga Ukraine wuxuu sababi karaa inay xaaladdu faraha uga baxdo si nasiib darro ah,” ayuu yiri Peskov, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

“Tani waxba kuma kordhineyso xalka loo raadinayo dhibaatooyinka gudaha ee Ukraine,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dowladda Ukraine ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay markii ugu horreysay diyaaradaha Turkiga ee SIHA u adeegsaday duqeyn ay ku bartilmaameedsatay xarun hub yaallaan oo ay leeyihiin kooxo gooni u goosad raadis ah oo xiriir la leh Ruushka.

Xukuumadda Kiev ayaa soo iibsatay diyaaradaha lagu sameeyay Turkiga ee Bayraktar TB2 SİHA si ay ugu xoojiso awoodda militarigeeda. Waxa ay sidoo kale aqbashay in Ankara ay warshad diyaaradahaas lagu sameeyo ku yeelato meel u dhow caasimadda Kiev.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee Tass, Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ukraine ayaa 14-kii bishii December ee sanadkii 2020-kii saxiixday heshiis ay Turkiga la gashay oo ku kacaya lacag dhan 69 milyan oo doolar, kaasoo waddada u furaya in militariga Ukraine loo sameeyo diyaaradaha dagaalka ee fudud iyo kuwa drones-ka ee SIHA.

Wasiirka difaaca ee Ukraine, Andrei Taran, ayaa bayaan uu 13-kii bishan October soo saaray ku sheegay in shirkadda Baykar Defense ay Ukraine ka dhiseyso xarun loogu talogalay dayactir iyo tababar.

Ukraine ayaa sida caadiga ah taageerada hubka uga hesha Mareykanka iyo waddamada kale ee isbahaysiga NATO.

Turkiga ma uusan aqoonsanin tallaabadii uu Ruushka ku goostay gobolka Crimea

 

Kaddib markii Ruushka uu gobolka Crimea ka goostay Ukraine sanadkii 2014-kii, xoogag gooni u goosad raadis ah oo taageersan Ruushka ayaa ciidamada dowladda kula dagaallamaya gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida ay sheegtay Ukraine, 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaallada ilaa hadda ka dhacay gobolkaas.

Turkiga ayaa cambaareeyay go’aanka uu Ruushka ku goostay Crimea, waxayna Ankara ku dhawaaqday in ay taageersan tahay ixtiraamka dhulka Ukraine.

Maxay tahay diyaaradda uusan duuliyaha

saarneyn ee Biractar TB 2

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayaan 24 diyaaradood la galay Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Poland uu u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 ee dalkiisa in diyaaraduhan ay muujiyeen “kartidooda dagaalka.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Waxtarka Bayraktar TB2 marka goobaha dagaalka la joogo

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post