900 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Danjire James Swan

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Danjire James Swan
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 2021

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, si ay uga wada hadlaan hawlaha socdo ee u dhaxeeyo UNSOM iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka ayaa u dhacay si saaxiibtinimo iyo hufnaan leh, waxaana ka mid ahaa Danjire Lisa Filipeto, Madaxa UNSOS, Marwo Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka (KIXI-HRPG), Sareeyo Guuto Papa Ngom, Lataliyaha Sare Ciidanka UNSOM iyo Marwo Adelina Urmanova, Kaaliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee UNSOM.

Kulanka waxaa Wasiirka Gaashaandhigga ku wehlinayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samantar “Gacaliye” iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda, Cali Aadan Xasan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post