924 Views

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya oo xalay duqaymo culus ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya oo  xalay duqaymo culus ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________


Axad: September 26, 2021

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaankaas.

Duqaymaha ayaa khasaare kala duwan gaarsiiyay dadka reer miyiga ah oo ku nool baadiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararku waxay sheegayaan in duqaymahan oo ka dhacay degaannada Warbeele iyo Samaroole ay khasaare gaarsiiyeen dadka rayidka ah inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay duqaymo la beegsato shacabka Gobolkaas iyadoo sheegaysa in ay Al-shabaab beegsanayso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post