834 Views

Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo shaaciyay goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Hargaysa

Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo shaaciyay  goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Hargaysa
____________________________________________________________________________

..

June 6  2021

Guddiga doorashooyinka ee Jamhuuriyadda Goonni Isutaaggeeda ku Dhawaaqday ee Somaliland, ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee goleyaasha deegaanka iyo midka wakiillada ee gobolka Maroodijeex.

Waxaa codadkii ugu badnaa ee uu musharrax helay ku soo baxay Cabdikariin Axmed Mooge oo u tartamayay golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, halka Barkhad Jaamac Batuun oo matalaya beelaha la haybsooco uu isna ku soo baxay codkii ugu badnaa ee lagu doorto xubin golaha wakiillada Somaliland ka tirsan.

Guud ahaan liiska xubnaha soo baxay ee golaha wakiillada ayaa waxaa ku jira laba haween oo kaliya.

Xubnaha 17-ka ka kooban ee loogu tartamayay doorashooyinka golaha deegaanka Hargeysa ayaa xisbiga Ucid wuxuu helay afar, Kulmiye wuxuu helay lix xubnooda, halka xisbiga kale ee Waddani uu helay toddoba xubnood.

Golaha wakiillada ee deegaanka Maroodijeex oo ay ku tartamayeen 20ka xubnood ayay xisbiga Ucid wuxuu helay shan xubnood, Kulmiye siddeed xubnood, halka Waddani uu helay toddoba xubnood.

Labo haween ahaa oo u kala tartamayay labada xisbi mucaarad oo aad loo filayay inay ku soo baxaan doorashooyinkan ayaan ka dhex muuqan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post