1248 Views

Meydka madaxweynahii hore Cali Mahdi Maxamed oo salaadda Janaasada lagula dukaday Garoonka Aadn Cadde Sawiro.

Meydka madaxweynahii hore Cali Mahdi Maxamed oo  salaadda Janaasada lagula dukaday Garoonka Aadn Cadde Sawiro.
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Waxaa garoonka magaalada Muqdisho salaada janaasada lagu la dukaday Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo goor dhawayd la keenay magaalada Muqdisho.

Maydka Marxuum Cali Mahdi ayaa saalaada janaasada lagu la dukaday garoonka caalamiga ah ee Aadn Cadde, iyadoo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku geeriyooday Habeen hore.

Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, waxaana laga soo dajiyay Muqdisho.

Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka ayaa garoonka gudaha u galay si ay salaadda Janaasada ugu tukadaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post