891 Views

Ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay Dagaalkii magaalda Guriceel ee saakay ilaa galabta.

Ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay Dagaalkii  magaalda Guriceel ee saakay ilaa galabta.
____________________________________________________________________________

ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro Bur bur Xoogan oo soo gaaray magaalada iyo  ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay in ka badan 60 qofna waa ku dhaawacantay oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa gabalku ugu dhacay caawa ka dib saacado badan oo dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday uu ka socday.

Sidoo kale Weli ma jirto cid isku dayeysa in ay kala dhex gasho labada dhinac oo dhowr jeer horey loogu guul dareystay in lagu qanciyo in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda si looga baaqasado colaad uu dhiig badan ku daato.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post