690 Views

Wafdi ka socda Imaaraadka Carabta oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda Imaaraadka Carabta oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 9, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Waxaa daqiiqado kadib la filayaa in ay Muqdisho soo gaaraan wafuud kale duwan oo lagu casuumay xaflada caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post