912 Views

Xildhibaano ka hadlay dagaalka duleedka Kismaayo

Xildhibaano ka hadlay dagaalka duleedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado     , March 31, 2020 —Saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay duleedka Magaalada kismaayo ku dhex-mareen laba maleeshiyo beeleed,kuwaas oo isku heysta Dhul daaqsina ah oo deegaannadaasi ku yaalla.

 

Deegaannada ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa ay kala yihiin, Fuumo, Kooyaamo iyo Jiroole,waxaana la sheegay in dadkii deganaa badi deegaannadaas ay dagaalada ka barakaceen.

 

 

 

Senater Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare kana soo jeeda deegaannada lagu dagaalamay ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.

 

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray Xildhibaanka in Odayaasha & Waxgaradka deegaannada lagu dagaalamayo inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya,isla markaana hadii ay yihiin Xildhibaannada aysan aqbaleyn dagaalka.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay dhawaan tegi doonaan deegaannada lagu dagaalamayo,iyaga iyo Xubno kale si loo kala dhex-galo labada maleeshiyood ee ku dagaalamaya duleedka Galbeedka Magaalada kismaayo.

 

Dhaamaadkii Bishii Janaayo ee sanadkaan ayay ahedy markii Ardayda iyo Haweenka ku nool Magaalada Ksimayo ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedeen dagaal beeleedyo deegaannadaas kasoo cusboonadey,waxaana weli dagaaladaas ka hadlin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment