1443 Views

banaanbaxyo looga soo hor jeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo ka socda Muqdisho

banaanbaxyo looga soo hor jeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Waxaa magaalada Muqdisho caawa ka socdo banaanbaxyo looga soo hor jeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Banaanbaxyadaan ayaa waxay ka socdaan Aagga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis,  waxayna dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda.

Sidoo kale Dadka banaanbaxaan dhigaya oo wata cod baahiyeyaal ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, waxayna leeyihiin, “Kaligi-taliye dooni meyno, Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo waa gacan ku dhiigle” iyo erayo kale oo ay ku muujinayaan diidmadooda ku aadan mudo kororsigii dhacay 12-kii bishan.

warbaahinta madaxa-banaan ayaa goordhaw gaartay halka ay banana-baxyadu ka bilaawdeen, waxaana lagu wadaa in xubnaha hoggaaminaya dibad-baxayaasha ay warbaahinta la hadlaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post