1824 Views

Jubbaland Oo Digniin U Dirtay Dadka Baraha Bulshada Ku Faafiya Wararka

Jubbaland Oo Digniin U Dirtay Dadka Baraha Bulshada Ku Faafiya Wararka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Taliyaha Ciidanka Booliiska Jubbaland Qaybta Jubbada Hoose gaashanle Sarre Maxamed Naasir Guuleed ayaa digniin waxa uu u diray dadka Wararka ku qora Barasha Bulshada,sigaar ahna uga hadla Arrimaha Jubbaland.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in Jubbaland marnaba aqbali Karin in Warra been abuur ah Baraha Bulshada looga faafiyo,cidii lagu arkaana tallaabo ay ka qaadi doonaan.

:waxaan rabaa inaan u sheego cid kasta oo wadada Sharciga ah la leexdo in tallaabo laga qaadi doono,kuwa xun xun ee Facebook wax ku qora waxan u sheegayaa in aanan ka yeeli doonin oo karbaash baa u yaalla ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamadda Amaanka Jubbaland ayuu sheegay inay la xisaabtami donaan qof kasta oo faafiya Warar been Abuur ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment