267 Views

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Oo La Kulmay Wakiilka Ururka Iskaashiga Islaamka Ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Oo La Kulmay Wakiilka Ururka Iskaashiga Islaamka Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Guddoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka  Ururka iskaashiga Islaamka u qaabilsan Soomaaliya  H.E Amb: Mohamed Bamba Mohamed Boba

Kulankan oo ka dhacay xarunta ururka iskaashiga islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dowrka dalalka ku bahoobay ururka islaamka  ee la tacaalidda arimaha abaaraha

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa ugu horeyn safiiirka warbixin ka siiyay xaalada abaaraha iyo dadaalada socdo ee wax looga qabanayo, waxaana uu sidoo kale  kaga mahadceliyay Dowladaha Islaamka ee ku bahoobay ururka iskaashiga Islaamka garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda  maadama dalka uu wili ku jiro xaalad binaadanimo oo adag.

Dhankiisa Danjire Mohamed Bamba Mohamed Boba ayaa balan qaaday in  ay ka go’antahay sii wedidda garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post