108 Views

KHADIIJA Maxamed Diiriye oo maanta DJabuuti ku geeriyootay

KHADIIJA Maxamed Diiriye oo maanta DJabuuti ku geeriyootay
____________________________________________________________________________

Allah ha u naxariistee, waxaa goordhow magaalada Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, sida ay ehelkeeda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wasiirka ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jabuuti, ayada oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku sugan halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Khadiija ay maanta qalliin ku gashay dalka Jabuuti, ayada oo la qorsheynayey in loo qaado dalka Turkey, balse waxay ay geeriyootay waxyar kahor markii la rabay in la qaado.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay 2004.

Geerida Wasiir Khadiija ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.”

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku tilmaamay Wasiir Khadiija mid kamid ah halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

“Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey,’’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

___________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post