723 Views

Atariishada telefishanka Kannada oo ku geeriyootay isbitaal si gaar ah loo leeyahay ku yaalla magaalada Bangalore ee dalka Hindiya.

Atariishada telefishanka Kannada oo ku geeriyootay isbitaal si gaar ah loo leeyahay ku yaalla magaalada Bangalore ee dalka Hindiya.
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Atariishada telefishanka Kannada ee lagu magacaabo Chetna Raj, ayaa ku geeriyootay isbitaal si gaar ah loo leeyahay ku yaalla magaalada Bangalore ee dalka Hindiya.

Waxaa ay Isniintii martay qalliin ay dooneysay inay ku dhinto miisaankeeda, balse waxaa biyo ka galay sambabka, xannuunka ayaana ku sii siyaaday.

Booliska Bangalore ayaa BBC-da u sheegay in qoyska gabadhan ay marka hore ka keeneen isbitaal kale kahor inta aysan xannuunka u geeriyoon, waxaa isbitaalka labaad la soo gaarsiiyay iyadoo miir daboolan.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in gabadhaasi ay geeriyootay kaddib markii uu wadnaha istaagay.

Chetna Raj, ayaa waxay atariisho ka ahayd film ka bixo telefishanka Kannada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post