471 Views

Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ethiopia

Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ethiopia
____________________________________________________________________________

 

Isniin: October 9, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb. Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo ugu yimid Duqa Muqdisho salaan sharafeed asigoona ugu Hambalyeeyay in mar labaad uu Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Danjire Cabdifataax iyo Guddoomiyaha Gobolka oo kulan dheer wada qaatay, ayaa waxaa ay ka wada hadleen qodobo inta badan diirada saarayay horumarinta xiriirka ku dhisan wax wada qabsiga, iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha isbadalka Cimilada iyo Deegaanka. Qorshaha Dowladda Ethiopia ee ah Gaarsiinta Barnaamijka Dhireynta (Cagaareynta) wadamada Dariska, taasi oo Caasimada Muqdisho dhawaan laga hirgelin doonno, si isbadalka Cimilada iyo Deegaanka wax loogu qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Ayaa yiri ” Waxaan idinkaga mahadnaqaynaa haddii aan nahay madaxda shacabka Soomaaliyeed taageeridda dowladda Ethiopia ee arrimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhinacyada iskaashiga,horumarka, iyo wax ka qabashada Cimilada”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale

Sidoo kale Duqa Caasimadda ayaa yiri ”

Waxaan dhawaan Magaalada Muqdisho ka bilaabi doonaa qorshaha Barnaamijka Dhireynta deeqaanka ee Magaalo Cagaaran”. Ayuu yir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post