330 Views

Cristiano Ronaldo ” Waxaan dareemay in kooxda Man United ay i khiyaantay”

Cristiano Ronaldo ” Waxaan dareemay in kooxda Man United ay i khiyaantay”
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu dareemayo inay “khiyaantay” kooxda Manchester United isla markaana lagu khasbay in uu isu tago kooxdaas.

Ronaldo oo la hadlayay barnaamijka TalkTV uu daadihiyo Piers Morgan ayaa sheegay, “Waxaan dareemay in la ii khiyaanay, waxaan dareemay in dadka qaar ee ka tirsan aysan ila dooneyn in aan halkan joogo”.

Ronaldo lama safin ciyaartii ay kooxdiisa la dheesahy Chelsea bishii lasoo dhaafay kadib markii ciyaartii ka horreysay ee Tottenham uu diiday in uu baddal kusoo galo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax ixitiraam ah uusan ka helin tababaraha kooxda Ten Hag.

“Wax ixritaam uma hayo maadama uusan isagu ixtiraamin, Haddii aadan ixtiraam ii hayn, weligay kuuma ixtiraami doono.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post