1155 Views

Saddex qof oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Magaalada Nairobi

Saddex qof oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Shilka oo ahaa mid Gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Koonfurta Bypass, ee ismaamulka Nairobi, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii gaari nooca Toyota Probox ah oo ka yimid dhinaca wadada Mombasa uu farriin goostay oo uu ka baxay, isla markaana uu  ku dhacay gaari nooca xamuulka qaado ah.

Inta la xaqiijiyay shilka gaari ayaa waxaa ku dhintay  Aabe iyo laba Carruur ah oo la socotay, waxana sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray labada Gaari ee shilka galay, waxaana u gurmaday dadka degaanka.

Taliyaha Ciidamada booliska Lang’ata Benjamin Mwanthi ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira sababaha keenay Shilka labada Gaari iyo khasaaraha Guud ee ka dhashay, sidoo kalena ehellada dadka wax ku noqday ay u gurmad doonaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post