798 Views

Faah-faahin ka soo baxaysa dagaal beeleed ka socda goballada Nugaal iyo Sool

Faah-faahin ka soo baxaysa dagaal beeleed ka socda goballada Nugaal iyo Sool
____________________________________________________________________________

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay dagaal beeleedyo ka soconaya deegaannada Saax-maygaag iyo Sangejabiye oo ka kala tirsan goballada Nugaal iyo Sool.

Inaksta oo aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dagaalladaasi ka dhashay haddana wararka laga helayo deegaannadaas ayaa sheegaya in 12 qof oo dhaawac ah la geeyay Cusbitaallada magaalooyinka Garoowe iyo Laasacaanood.

Iyadoo dagaalladaasi ay socdaan ayaa waxaa soo baxaya baaqyo ka imaanaya qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka dalbanaya beelaha dagaallamaya joojinta colaadda.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo salaadiin kale oo ku sugan aagga uu dagaalka ka socdo, ayaa sheegay inay ku howlanyihiin sidii ay ukala dhex gali lahaayeen beelaha walaalaha ah ee halkaa ku diriraya.

Garaad Jaamac ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dagaalkaasi uu istaagi doono, isagoo ku booriyay xabadda inay joojinayaan labada dhinac ee dagaallamaya.

Sidoo kale Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya oo ehel ah wax walbana ka dhaxeeyaan inay joojiyaan collaadda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post