3036 Views

MD Cameey: Puntland maahane inta Kale Shabaab ayaa Maamusho, Maqal

MD Cameey: Puntland maahane inta Kale Shabaab ayaa Maamusho, Maqal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 –Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland ayaa ka hadlay diidmada lagala horyimid lacagta Shilinka Somaliga oo Deegaano badan oo kamid ah Dalka laga diiday.

Injineer C/Xakiin Xaaji C/llaahi Cameey ayaa sheegay in guud ahaan deegaanadab Puntland si toos ah looga isticmaalo lacagta Shilinka Somaliga balse Gobolada Dhexe ee dalka sida Galgaduud iyo Hiiraan ay diidmo kala horyimaadeen Ganacsatada Somaliyed.

Waxa uu Madaxweyne Cameey sheegay in taasi muujineyso sida uu udhaqan galo amarrada Xarakada Al-Shabaab oo markoodii hore ahaa cida soo saartay amarka lagu mamnuucayay lacagta Shilin Sonakiga.

Marka laga soo tago deegaanada Puntland ayuu ku faanay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Injineer Cameey inuu si caadi ah udhaqan galo digniinada ay soo saaraan Shabaab, Sababta ayuu ku sheegay iney cabsi galiyaan Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment