1044 Views

Dad abaar darteed ugu geeriyooday Soomaliya

Dad abaar darteed ugu geeriyooday Soomaliya
____________________________________________________________________________


Isniin: February 14, 2022

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa warbixin ay daabacday waxay ku sheegtay in haweeney iyo labo carruur ah ay gaajo ugu geeriyoodeen gudaha Soomaaiya, iyadoo xaalada abaartu ay ka sii dareyso.

Dhimasho intaa ka badan ayaa laga baqayaa iyadoo kooxda Al shabaab ay xaniibaado saartay qeybo badan oo kamid ah maamul goboleedka Koofur Galbeed oo xalaaddu aad u daran tahay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dadka ayaa geeriyooday Axaddii waxayna ku dhinteen Rabdhuurre sida uu Sheegay Guddoomiyaha degmadaasI Maxamed Kheyr Salaad isagoo sheeagay in ay halkaas jirin biyo iyo cunto ayna nafaqo darro ka taagan tahay.

Gobolkaasi ayey go’doomiyeen Al Shabab siddeedii sano ee la soo dhaafay, iyadoo taasi ay keentay in aanay dadka u suurtogalin in ay soo gaaraan kaalmooyinka bini’aadminimo ee dhinaca dhulka.

Wadamada geeska Afrika kuyaala ,in ka badan 4.3 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo , sababo la xiriira is beddelka cimilada ee Soomaaliya, oo hadda fara ba’an ku hayso mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara muddo tobanaan sano ah

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post