645 Views

Boosaaso oo ay soo gaareen Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomaali

Boosaaso oo ay soo gaareen  Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomaali
____________________________________________________________________________

June 21 2021 

Magaalada Boosaaso, waxa xalay soo gaaray Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso ay xalay soo gaareen, dadkan oo ka kooban Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqday.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ,ayaa dekedda ku soo dhoweeyay dadkan oo gaaraya 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana loo gudbiyay Xarunta qaabiladda Qaxootiga ee Boosaaso.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Boosaaso ku soo qul-qulayay Qaxooti Yemeniyiin ah  iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi Yemen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post