1200 Views

Sawiro:-MD Farmaajo Oo Kulan Xasaasi ah Laqaatay Gudiga Kahortaga Wacyi Galinta Covid 19

Sawiro:-MD  Farmaajo Oo Kulan Xasaasi ah Laqaatay Gudiga Kahortaga Wacyi Galinta Covid 19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 12, 2020 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha.

 

Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

 

Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah, kuna saabsan ka hortagga cudurka COVID-19 la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo qaar ka mid ah Hay'adaha Dowladda.

Muqdisho, Abriil 12, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha.

Posted by Villa Somalia on Sunday, April 12, 2020

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment