513 Views

Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Dalka

Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Dalka
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulankii u horreeyay la yeelatay guddiga shirkadaha diyaaradaha Dalka.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd , xog-wareysi , xoojinta iskaashiga, caqabadaha iyo  sidii loo sii amba-qaadi lahaa horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.

Wasiirka  Fardowsa , ayaa xaqiijisay sida ay go’antahay horumarinta iskaashiga shirkadaha diyaaradaha dal oo ay ku sheegtay inay daruufo kala duwan Dalka ugu soo shaqeeyaan.

“ Maanta waxaan hiigsaneynaa in horumar laga gaaro arrimaha mudnaanta u leh diyaaradaha iyo garoommada,taa oo aan dooneyno si wadajir ah inan uga shaqeyno.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Waxaa lagu ballamay kulamo kale , si looga miro-dhaliyo iskaashiga , iyadoo Kulanka ay goobjoog u ahaayeen , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Cali Gacal Gaabow , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan , Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista , Mudane Saciid Maxamed iyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle , Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post