4131 Views

Ciidamada NISA oo laga dhigayo Dharcad

Ciidamada NISA oo laga dhigayo Dharcad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 — Julay –2017– Mudane Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in mustaqbalka dhow Ciidamada NISA loo celinayo sidii ay ahaan jireen oo ahaa Dharcad, iyadoo haatan ay ka mid yihiin ciidamada hubeysan ee magaalada ka muuqda.

Wasiirka oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay sameyn doonaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya amniga Mas’uuliyiinta iyo goobaha kale, halka Ciidamada NISA ka dhigi doonaan kuwo dharcad ah oo an an la aqoonsan karin.

“NISA Waxaa ku soo rogi doonaa mustaqbalka dhow, dharcad inay noqdaan sidii ay ahaan jireen, oo waxaan laga reebo, sida calaamad NISA ku buufsan in laga arko lama rabo, mana la arki doono, haddii Alle yiraahdo”ayuu yiri Wasiirka.

Ciidamadii Nabadsugida ee dowladdii hore ayaa ahaa kuwo qarsoon oo dharcad ahaa, halka ciidamada xilligan howl gala, ay yihiin kuwo aan qarsooneyn, calaamadahooda iyo astaamahooda lagu dhex arko magaalada iyo goobaha kale.

Dad waaya-arag ku dhinaca ammaanka, ayaa horay u sheegay in meelaha dowladdu ay aad ugu liidato, ay tahay dhanka sirdoonka, maadaama ciidamo loogu tala galay howlaha Sirdoonka iyo xog raadinta ay ka mid yihiin ciidamada hubeysan ee gaadiidka dagaalka saaran ee magaalada ku dhawaafaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe, dadaal ugu jirtay sugida amniga Caasimadda, iyadoo sameysay ciidamo gaar ah oo ahaa ciidamo isku dhaf ahaa oo isku lifaaqan.

Lama oga sida tallaabadan ku hirgeli doonto, maadaama Ciidamada ay leedahay Hey’adda NISA ay yihiin kuwa dhowr qeybood ka kooban, kuwaas oo u howl gala Boolis iyo Milateri, kuna hubeysan gaadiidka dagaalka, waxaana mushaarkooda bixiya dowlado shisheeye oo dan gaar ah ku wata in ay arrinta ayn sidaas ahaato.

.

.

 

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment