624 Views

Militariga Itoobiya oo sii daayay weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray

Militariga  Itoobiya oo  sii daayay weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray
____________________________________________________________________________

.

3-da Marso, 2021

Militariga dalka Itoobiya ayaa sii daayay weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Girmay Gebru ayaa la sii daayay isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin balse BBC-ka kama war heyso sababta ka dambeysay in la xiro.

BBC Tigrinya ayaa sidoo kale xaqiijisay in la sii daayay weriye Tamirat Yemane, iyo laba turjumaano ah oo lagu kala magacaabo Alula Akalu iyo Fitsum Berhane, oo u kala shaqeynayay Financial Times iyo wakaaladda wararka ee AFP.

Afartan qof ayaa waxaa xiray militeriga Itoobiya xilli ay ku sugnaayeen caasimadda Tigray ee Mekelle.

Girmay Gebru, oo u shaqeeya laanta Tigranya ee BBC-da, ayaa laga qabtay makhaayad ku taalla caasimadda gobolkaas ee Mekelle.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post