720 Views

Booliska Kenya oo toogtay Nin ay ku raadjoogeen.

Booliska Kenya oo toogtay Nin ay ku raadjoogeen.
____________________________________________________________________________

isniin: November 1, 2021

Ciidamada Waaxda dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da ayaa sheegay in laamaha Amniga ay howlgal ay sameeyeen ku dileen Nin Burcad ah oo ku sugnaa deegaan Baarlamaneedka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.

Ninka Burcadda ahaa iyo Booliska ayaa waxaa la sheegay in israsaaseyn kooban ay dhexmartay, waxaana howlgalka uu ka dambeeyay kadib cabasho ka timid laba qof oo dhac loo geystay.

Sidoo kale howlgalka ay ka sameeyeen Ciidanka Waaxda dambi baarista DCI-da  aagga loo yaqaano Gorofa Chafu ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen gaari horay looga dhacay labada qof ee Shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ku toogteen xaafadda Githurai Saddex Burcad ah, kuwaas oo qaatay Baabuur uu lahaa qof Shacab ah.

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post