993 Views

Xiisada Itoobiya oo xoogeysatay & Madaxweynaha deegaanka Tigreega oo hadlay

Xiisada Itoobiya oo xoogeysatay & Madaxweynaha deegaanka Tigreega oo hadlay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Madaxweynaha deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya Dr Debretsion Gabra-Mikael ayaa sheegay wadahadal si qarsoodi ah loola yeesho TPLF inuusan xal u noqoneyn khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo deegaanka Tigreega, balse loo baahan yahay kulan wadatashi oo heer qaran ah in la qabto.

Madaxweynaha deegaanka wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu magaalada Maqale uu kula kulmay hoggaanka diimaha iyo hoggaamiye dhaqameed u kala dabqaadaya dowlad deegaanka Tigreega iyo Dowladda dhexe oo uu soo kala dhexgalay khilaaf siyaasadeed oo xooggan.

Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska isgaarsiinta deegaanka Tigreega ayaa sheegaya iney odayaasha labada dhinac u kala dabqaadaya ay ku baaqeen iney si degdeg ah labada dhinac wadahadallo ay khilaafka taagan xal ugu raadinayaan ay billaabaan, maadaamaa uu khilaafka cidna dan u ahayn.

Guddoomiyaha xisbiga TPLF ahna madaxweynaha deegaanka Tigreega Dr Debretsion Gabra-Mikael oo amuurtan ka hadlay wuxuu sheegay iney wadahadal si qarsoodi ah ama si gaar ah loola yeesho Deegaanka Tigreega inuu xal noqoneyn.

Balse loo baahan yahay qaybaha kala duwan ee ay quseyso khilaafka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka taagan laga qayb geliyo.

“Haddii loo baahan yahay in la qabto kulan siyaasadda oo kagu wadahadlo waa in kulankaasi lagu casuumo dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka jira, balse ma aqbaleyno wadahadal gaar ah oo lala yeesho dowlad deegaanka Tigreega ama xisbiga deegaankaasi hoggaamiya ee TPLF wax micna ahna ma yeelaneyso” ayuu yiri

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post