1221 Views

Dhagayso:_-Dowladda Oo U Digtay Maraakiibta Sharcidarada Uga Kaluumeysta Xeebaha Somalia

Dhagayso:_-Dowladda Oo U Digtay Maraakiibta Sharcidarada Uga Kaluumeysta Xeebaha Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 12, 2018 —Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay Maraakiibta qaar ee sida sharcidarada ah uga kalluumeysta Xeebaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bilaal Warsame ayaa digniin u diray Maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in cid walba oo dooneysa Shatiyada la xiriira kalluumeysiga lasiin doono,hayeeshee aan laga aqbali doonin kuwa sida sharcidarada ah u kalluumeysanaya.

“Cid walba oo soo dalbata siinta shatiyada kalluuleysiga,waxana baari doonaa markabkiisa iyo waxa uu ku kalluumeysanayo,waxaana nagala shaqeyn doono dad badan oo naga caawinaya ayuu yiri wasiirka.

Digniintaan ayaa kusoo aadeysa xilli shalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood shati Kalluumeysi ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment