1626 Views

QM oo ka hadashay Weeraradii Muqdisho iyo Gaalkacyo

QM oo ka hadashay Weeraradii Muqdisho iyo Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Nairobi, Nofeembar 27, 2018 –Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay sheekh caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

“Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom.

“Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.” ayuu yiri Markale Haysom.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore shalay lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Warbaahintu waxay sheegtay in wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan.

Gaari miineysan ayaa lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho shalay galab, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment