291 Views

In ka badan 18 ka tirsanaa khawaarijta oo lagu xasuuqay deegaanka Sabiid gobalka Shabeellaha Hoose

In ka badan 18 ka tirsanaa khawaarijta oo lagu xasuuqay deegaanka Sabiid gobalka Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2023 

In ka badan 18 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Khawaarijtaan oo lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada iyo Geedo hoostooda, ayaa waxay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadkii saaka aroortii ku jabay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan xero ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa Gaariga la beegsaday iyo kuwii kale ee ku jiray dhulka keynta ah lagu laayay howlgalkaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post