960 Views

“Isma lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta Masuul laga soo Magacaabo Muqdisho” FeysalCali Waraabe

“Isma lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta Masuul laga soo Magacaabo Muqdisho” FeysalCali Waraabe
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 22, 2019 | QOL |   –Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Magaalada Hargeysa ay xilligaan ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nadaafada ah,isla markaana dadka laga qaado Canshuur aan waxba lagu qaban.

 

Waxaa uu sheegay in xilligii dowladii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Guryo Waaweyn oo Hargeysa laga dhisay ay weli taagan yihiin,isla markaana Madaxda Soomaaliland muddo 28 Sano ah ay dhisi waayeen gurayahaas oo kale.

 

 

 

“Runtii wax nalooga sheekeynaayo ma ahan waxa Caasimadda Hargeysa ka jira ee indhaheena ayaan ku aragnaa,xaqiiqdii Gurayaan Siyaad Barre ayaa dhisay, Ismaan lahayn Hargeysa ayaa u baahan doonta Masuuliyiin Laga Soo Magacaabayo Muqdisho.

 

Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay xilli Maanta uu booqasho ku tegay Suuqa Waaheyn ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment