120 Views

Eedeeysane Sayid -Cali Macalin Daa’uud oo ahaa dilaagii dilay Luul Sheekh Cabdi oo gacanta lagu soo dhigay

Eedeeysane Sayid -Cali Macalin Daa’uud oo ahaa dilaagii dilay Luul Sheekh Cabdi oo gacanta lagu soo dhigay
____________________________________________________________________________

Camaara —  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane baxsad ahaa laguna magacaabo Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay Xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi una geeriyootay gubashadii. ayaa fududeeyayin maanta 05 Feb 2024 gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid -Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado. Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir aha ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhul balaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Halkaas, oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xili uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

Eedeysanayaasha kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xili ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post