630 Views

Guddiga amaanka ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo go’aan ka gaaray dhibaatooyin muddo badan laga cabanayay

____________________________________________________________________________

Isniin: December 6, 2021

 

Guddiga amaanka ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa go’aan ka gaadhay dhibaatooyin ay muddo badan shacabka deegaankaasi ka cabanayeen oo la xidhiidha ciidanka laanta cashuuraadka federaalka.

Guddiga ammaanka heer deegaan oo kulan ka yeeshay arrintan ayaa go’aan ku gaaray iney ciidamada federaalku aysan gudaha magaalooyinka ka ugaardhsan karin alaabada kontarbaanka, wixi hadda ka dambeeyana ay si isku dhaf ah u hawl galayaan Booliska gaarka ee degaanka iyo Booliska guud ee Federaalka.

Haddaba go’aannada guddiga si aan wax badan uga ogaanno waxan khadka taleefanka kula xidhiidhnay ku xigeenka Hoggaanka Nabadgalyada ee Deegaanka Soomaalida Maxamed cali Gureey, wuxuuna u warramay weriye C/raxmaan xaaji caddoow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post